Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan sheegay in Ciidamo la dul geeyay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Warar soo baxayay saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegayay in ciidamo katiran dowlada gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran la geeyay meelo ku dhaw guriga uu ka degan yahay Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya xubina ka ah isbaheysiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ciidamo la dul geeyay guriga Sheekh Shariif.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka Cawaaqib xumadii ka dhalata ciidamada uu sheegay in la dulgeeyay guriga Sheekh Shariif in uu qaadi doono Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cbadulaahi Farmaajo.

”Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Somaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” ayuu yiri Mahad Salad

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili habeenadii lasoo dhaafay ciidamo katiran dowlada Soomaaliya lagu arkayay xaafado katirsan Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw guriga uu degan yahay Dheekh Shariif.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan Somalia oo Muqdisho lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo ku hanjabay in Jawaab deg deg ah ka bixinayaan Weerar Al Shabaab geesteen

Cabdi Cade

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cali Yaasiin oo kawada hadlay arrin Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---