Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salaad: “Farmaajo & Khayre taariikh madow ayay u horseedeen Soomaaliya”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa dhaliilay go’aanka dhexdhexaadnimada ah ee madaxda DF ka qaateen khilaafka ka dhex aloosan dalalka Masar iyo Itoobiya ee salka ku haya qeybiga biyaha webiga Niil.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KULUL OO MAHAD SALAAD KU WEERARAY MADAXWEYNE FARMAAJO IYO RW KHAYRE

Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay, kana laabatay qaraarkii Jaamacadda Carabta ee ay horay u taageertay, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil. Go’aanka dowlada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed cadaadis ku saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre in dowlada Soomaaliya ka laabato qaraarkaas!

Waxaa xusid mudan in dowlada Qatar oo xiriir aad xun kala dhaxeeyo Masar ay taageertay qaraarka Jaamacada Carabta, ayna lama filan tahay in DFS buriso mowqifkeedii hore ee ay ku taageertay qaraarka Jaamacada Carabta. Annagoo wada xusuusanna in dowladda Soomaaliya ay la safatay Masar markii Wadamada Carbeed badankood xiriirka u gooyeen, kadib heshiiskii Camp David ee ay la gashay Israa’il 1978.

Soomaaliya waa dal madaxbanaan, go’aankan fulaynimada ah ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu qaateena wuxuu meel ka dhac ku yahay sharafta, karaamada iyo madaxbanaanida Soomaaliya iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Masar abaal aan la soo koobi karin ayay Soomaaliya ku leedahay. Halyeeyo Masaari ah ayaana naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, baal dahab ahna uga qoran taariikhda Soomaaliya.

Sidoo kale Masar waxay door muhiim ah ku lahayd in Soomaaliya laga difaaco dagaalkii Itoobiya ku soo qaaday sanadkii 1964kii, hubkii ciidamada qalabka sida xilligaas ku dagaal galeena waxa laga keenay Masar ka hor intaan Ruushka iyo Jarmalka hub laga helin. Sidaas daraadeed nagama mudna walaalaheen inaan maanta ugu abaal gudno inaan Itoobiya kala jirsano.

W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan
Baarlamanka federaalka Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybtii 2aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

admin

Itoobiya oo soo bandhigtay kumanaan Maxaabiis ka tirsan TPLF (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Johnson oo caawa loola cararay Isbitaal ku yaalla London

Caydiid Ali
Taboola Ads ---