Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu dilay Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan agagaarka laamiga Shirkadaha , waxaana askariga la dilay la sheegay in horey looga sii qaatay qoray uu watay.
Sida aan wararka ku helnay asariga ayaa waxaa dilay ciidamo kale oo xirnaa dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwaa oo dilka kadib la sheegay in ay horey uga sii qaateen qoraygii uu watay goobtana uga dhaqaaqay meydka askariga booliiska.
Ganacsatadii iyo shacabkii ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ayaa aad u argagaxay, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo halkaasi ka sameeyay baaritaano horeyna u qaaday meydka askariga la dilay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu yaraa dilalka nuucan oo kale ay isku geestaan ciidanka dowlada, waxaana mararka qaar horey u dhici jiray in ay ciidamada isku dilaan kala sahaki iyo sidoo kale in ay qoryaha kala dhacaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com