Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii Booliska degmada Afgooye & ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

Sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir online Qarax ka dhacay agagaarka degaanka Lafoole ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada booliska degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole oo ku wada yaalla wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye
Warka ayaa intaas ku daraya in taliyaha ay la geeriyoodeen saddex ka mid ah ilaaladiisa oo la socday.

Weli lama hayo faahfaahinta qaraxan iyo sida uu dhacay, waxaana la amainsan yahay iney ka dambeyso kooxda al-shabaab oo weerarada noocan ah looga bartayn inkastoo aysan weli sheeganin.

La soco faahfaahinta wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan Dowladda oo loo heesto Musuq-maasuq oo maxkamad looga yeeray

Cabdi Cade

Jilaaga Caanka ah ee Amitabh Bachchan iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo isbitaal la dhigay

Cabdi Cade

(Sawirro) Golaha Wakiilada Somaliland oo cod u qaaday Xeerka Doorashooyinka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---