Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Booliska oo u digay ganacsatada & ciidan dharcad ah oo la dhigay Suuqyada Muqdisho

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in qiimaha maciishadda la kordhiyo.

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Gen. Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayuu Ganacsatada Soomaliyeed uga digay inay sare u qaadaan maciishada quutul-daruuriga ah, iyagoo ka faa’ideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Bariise ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cidii ka dhega adeygta digniinta ay u direen.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamo Boolis dharcad ah ay geeyeen suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan ganacsatada sicir bararka abuureysa.

“Ganacsadihii lagu helo inuu sicir barar wado, xabsiga ayaan u taxaabeynaa, sharciga ayaana la tiigsan doonnaa” ayuu yiri Jen. Bariise.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ku soo aaday xili habeen hore RW Somalia uu la kulmay madaxda rugta ganacsiga Soomaaliyeed isagoo uga digay in xiligan lagu jiro xaaladaha adag aysan quutul daruuriga ku qaaliyeyn shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Isku aadka Ciyaaraha Champions League oo la soo saaray iyo Guruubka ugu adag

Caydiid Ali

Nin isku qarxin rabay Munaasabad ka socotay Guriceel oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Tel Aviv oo caawa holceysa ka dib gantaalo lagu garaacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---