Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar ka geesatay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday shaqaale Kenyan ah oo ku hoolanaa dhismaha wado isku xirta Lamu iyo deegaanka lagu magacaabo Garsen oo katirsan gobolka Xeebta Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in dagaalyahanada weerarka qaaday iska caabin kala kulmeen ciidamada Kenya ee ilaalada ka hayay wadada dhismaha ka socday ee weerarku ka dhacay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Lamu Moses Murithi oo la hadlay Warbaahinta Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi wax khasaare ah uusan kasoo gaarin dhankooda.

Waxa uu sheegay taliye Moses Murithi in weerarada Al Shabaab yihiin kuwa lagu doonayo in lagu carqaladeeyo amaanka wadooyinka gobolka, balse aysan taasi suurto gal noqoneyn una taagan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaasi.

Al Shabaab ayaa weeraro joogta ah ka geesata gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalka Kenya iyo gobolka Xeebta, waxaana weeradaasi ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo si kulul u weeraray hab dhaqanka dowlada Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee COP28

Cabdi Cade
Taboola Ads ---