Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo gaaray Gedo lana wareegay Garoonka Diyaaradaha …

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qeybokamid ah gobolkaasi soo gaareen ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaalka iyo hub kala duwan.

Ciidankan ayaa la sheegay in ay kasoo gudbeen xadka dalka Itoobiya la wadaago Soomaaliya, waxa ayna ciidamadan durba gaareen saldhigyana ka sameesteen garoonka diyaaradaha Doolow.

Ciidamo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey gacanta ugu hayay amaanka  garoonka Diyaaradaha Doolow , hasa ahaatee ciidamada cusub ee Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay in ay la wareegeen amaanka garoonka.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo isku haya gacan ku heynta gobolka Gedo ayaan wali ka hadlin ciidankan cusub ee Itoobiyaanka ha ee gobolka soo galay lana wareegay garoonka Diyaaradaha Doolow.

Maamulka Jubbaland ayaa horey gacanta ugu hayay degmooyinka gobolka Gedo, hasa ahaatee ciidamada Jubbaland ayaa si farsameesan loogala wareegay inta badan gacan ku heynta degmooyinka gobolkaasi

 

Related posts

Meydka Askari Muqdisho lagu dilay bil ka hor oo aan weli la aasin (Sababta)

Caydiid Ali

Shirkad Caalami ah oo Maanta ka shaqo bilawday Dekadda Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Xubno badan oo katirsanaa Kooxda Islaamiga ee Daacish oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---