Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Caawa ka dhacay Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda mudane Xasan Cali Khayre oo caawa xafiiskiisa ku qaabilay xubno katirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya, waxa uuna  kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliiska Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan lagu xiray Hargeysa

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Dhigiisa Kenya iyo waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga Baarlamanka Hirshabelle (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---