Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidanka Danab oo qarxiyay labo gaari waa weyn oo qaraxyo laga soo buuxiyay 

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa la sheegay in deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo ku fashiliyeen kuna qarxiyeen labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Taliyaha Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ciidamada Danab qarxiyeen labo gaari oo xamuulka ah ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in Kismaayo la galiyo.

G/le Ismaaciil Maalin ayaa sheegay in ciidanka Danab sidoo kale deegaanka Buulo Gaduud ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu sheegay in ay ku jireen xubno ajaaniib ah.

Taliyaha Danab ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalkan qorsheesan ay ka sameeyeen duleedka Deegaanka Buulo Gaduud uu ahaa mid ay uga hortagyeen dhagarta Al Shabaab iyo qaraxyada ay doonayeen in shacabka ku dhibaateeyaan sida uu tilmaamay.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgalo qorsheesan kawada qaar kamid ah gobolada dalka, waxa ayna ciidankan taageero dhinaca cirka ka helaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo Hubeesan oo dilay Guddoomiye Maxamed Xaaji Xasan iyo Masuul ka hadlay dilkiisa

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo culimada Hargeysa ugu baaqay iney u jawaabaan kuwa Muqdisho

Caydiid Ali

RW Somalia oo sagootin iyo maamuus u sameeyey danjire Hassan Bin Xamsa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---