Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka wadatashiga Puntland ee Garawe ka dhacay ayaa soo saaray War Saxaafadeed ay uga soo horjeedaan go’aanadii qaar ee kasoo baxay shirkii ay ka qeyb galeen.
Waxa ay sheegeen wasiirada in ay kasoo horjeedaan go’aamada lagu sheegay Warmurtiyeedka qeybta ku saabsan dowladda Federaalka oo aan ka turjumeynin hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka.
Wasiirada ayaa sidoo kale sheegay in ay ka xun yihiin erayadii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku u geystay dowlad goboleedyada kale taasi oo aan qeyb ka ahayn ajendihii, hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka.
Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka ay soo saareen Wasiirada
Anagaoo ah wafdiga Dowladda Federaalka uga soo qayb galay shirka Wadatashiga Puntland, waxaan War-saxaafadeedkan u qabanay in aan ku caddayno arrimaha soo socda:-
1- Waxaan soo dhawaynaynaa go’aanka Madaxwaynaha Puntalnd Mudane Saciid Cabdullahi Dani uu ku tagayo Muqdisho si uu ula kulmo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed iyo Raisul wasaaraha si loo xalliyo wixii khilaaf ah oo jira.
2- Waxaan Madaxwaynaha Puntland ku bogaadinaynaa Qabashada Shirka Wadatashiga.
3- Waxaaan amaan u soo jeedinaynaa qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland sida xilkasnimada iyo wax-garadnimada leh ee ay shirka uga qayb qaateen.
4- Waxaan soo dhawaynaynaa go’aamada shirka ee ku saabsan midnimada, amniga iyo horumarka Puntland.
5- Waxaan diidanahay go’aamada lagu sheegay Warmartiyeedka Qaybta ku saabsan Dowladda Federaalka oo aan ka turjamayn hadal soo jeedintii iyo doodihii Shirka.
6- Waxaaan ka xunahay Erayadii Xanafta lahaa ee War-martiyeedku u geestay Dowlad Goboleedyada kale taasoo aan qayb ka ahayn agendihii, hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka.
7- Ugu danbayntii wafdigu waxa uu rajaynayaa in kulan ka Muqdisho ee Madaxda Federaalka iyo Madaxwaynaha Puntland uu ku dhamaado isfahan, wadashaqayn iyo guul lagu gaaro danta umadda Soomaaliyeed.
-DHAMAAD-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com