Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in howlgal lagu dilay Muxyadiin Al Ansaari 

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in howlgal xalay ciidanka xooga ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha ku dileen saraakiil katirsan Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee milatariga Soomaaliya S/guuto; C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyadiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo uu sheegay in Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle.

Waxa sidoo kale taliyaha sheegay in howlgalkaasi qorsheesan ay fuliyeen ciidanka Xooga Soomaaliya  lagu dilay labo sargaal kale uu tilmaamay in Al Shabaab katirsan yihiin ayna magacyadooda dib ka baahin doonaan.

S/guuto; C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in Al Shabaab ka firxaxdeen deegaanka Janaale oo dhawaan ciidanka dowlada la wareegeen, waxa uuna tilmaamay in shacabka la shaqeenayaan ciidanka kuna soo wargaliyeen farxadka Al Shabaab sidaasna ku weerareen.

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa dhawaan dagaal kula wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidanka dowlada wadaan abaabul kale ay ku doonayaan in deegaano hor leh uga saaraan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo soo saartay Amarro dhinaca ammaanka Xilli howlgalo culus socdaan

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga u ilaalinta Kootada Haweenka (Sawirro)

Cabdi Cade

Muwaadiniin u dhashay China oo lagu qafaashay weerar ka dhacay dalka Nigeria

Caydiid Ali
Taboola Ads ---