Allbanaadir.com
NEWS

Trump Oo U Hanjabay Dalalka Kula Tartamaya Mareykanka Martigelinta Koobka Adduunka sanadka 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bogiisa Twitter ku oo qoray inuu taageerayo qorshaha ay wadamada Waqooyiga Ameerika ku doonayaan inay ku martigeliyaan Koobka Adduunka sannada 2026, waxaana uu u hanjabay wadamada ka horimaan karo qorshahaas.

Morocco ayaa ah dalka kaliya ee la tartamaya seddexda wadanka ee Waqooyiga Ameerika ee doonaya inay si wadajir ah u martigeliyaan Koobka Adduunka sannada 2016 ee kala ah Mareykanka, Mexico iyo Canada, iyadoo koongareeska FIFA uu xulan doono martigeliyaha Koobka Adduunka 13ka bisha Juun marka uu kulankooda ka dhaco magaalada Moscow ee caasimada Russia.

 

“Mareykanka, Canada iyo Mexico waxa ay soo gudibiyeen tartankooda xoogan ee ay ku martigelinayaan Koobka Adduunka sannada 2026″ ayuu Trump ku soo qoray bogiisa Twitter.

“Waxaa ceeb noqon doonta in haddii wadamada aan mar walba taageerno ay ka soo horjeestaan qorshaha Mareykanka ee martigelinta Koobka Adduunka. Waa maxay sababta aan u taageereyno wadamadaan marka aysan iyagu taageero inoo muujineynin (waxaana ku jira Qaramada Midoobay)?”

Qorshaha ay wadamada Waqooyiga Ameerika ku doonayaan martigelinta Koobka Adduunka waxaa sarre u qaadaya garoomada waa weyn ee ay heystaan iyo dhismahooda aadka u sareeyo laakiin hubanti uma heystaan inay ku guuleysanayaan codka la qaadayo bisha Juun.

Qorshaha Morocco ay ku dooneyso martigelinta Koobka Adduunka waxa uu taageero xoogan ka heli doonaa wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe.

France waxa ay dooneysaa inay taageerto Morocco, madaxweynaha xiriirka kubada France ayaa dhawaan sidaas u sheegay saxaafada maxaliga, Russia oo iyagana martigelinaya Koobka Adduunka sannadkan 2018 ayaa iygana sheegay inay u codeyn doonaan Morocco.

Mareykanka ayaa hore u soo martigeliyay Koobka Adduunka sannadii 1994.

Wadamada xubnaha ka ah FIFA waxa uu mid walba leeyahay hal cod, looma eegayo sida ay u kala weyn yihiin taasoo keeneysa in wadamada yaryar ay saameyn weyn yeeshaan.

W/Q  Saed Balaleti 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dab ka kacay Keymo ku yaalla Buuraleyda gobolka Sanaag

Caydiid Ali

(Video) Cabtain Shariif oo faahfaahin ka bixiyey qaabkii uu Al-Shabaab ula shaqeyn jiray

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo looga hadlay Muranka Badda Somalia oo ka dhacay Adis Ababa iyo Dowlada oo cadeysay in …

Cabdi Cade