Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ayaa ku wargelisay hay’adaha dowladda in muddo ku eg 1da bisha April la hakiyay xaadiridda xafiisyada Shaqaalaha Dowladda , marka laga reebo maamulka iyo howlwadeennada aan looga maarmin xafiisyada, si looga hortaggo faafida fayruska COVID- 19.
Shaqaalaha caafimaad ayaan iyagu ku jirin hakinta, si ay u gutaan howl maalmeedkooda iyo la tacaalida faafida Coronavirus.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA OO DHAMEYSTIRAN
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com