Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada amaanka oo qabtay Jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay (Sawirro)

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxa ay kusoo qabteen jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay lana doonayay in weerar loo adeegsado.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug, G/ Shexe Qaasim Sheekh Doon Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka oo qabteen jaakad qarayo ku jireen iyo agabkii loo adeegan lahaa in lagu qarxiyo.

Waxa uu sheegay taliyaha in soo qabashada jaakad qaraxa loo adeegsan rabay ay sahashay xog ay bulshada ka heleen, waxa uuna tilmaamay in ciidamada diyaar u yihiin kahor taga falalka amaan daro ay maleegayaan kooxo uu cadaw ku tilmaamay.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay baadi goob ugu jireen ragii diyaarinayay qaraxaasi la qabtay, waxaana Koonfurta Gaalkacyo ka socda howlgalo ay wadaan ciidamada amaanka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Sh/hoose oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomaiy Safiiro cusub

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay qaraxii lagu hoobtay ee afar bilood ka hor ka dhacay Zoope

Caydiid Ali
Taboola Ads ---