Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo gacanta lagu dhigay

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada kumaandooska ee Danab deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qabteen madaxii Canshuuraha Al Shabaab ee deegaankaasi iyo ilaalo la socotay.

Sargaal katirsan ciidanka Milatariga ee hogaaminaya howlgalka Janaale lagu qabtay ayaa sheegay in ciidamada Danab u suurto gashay in ay qabtaan Madaxii Canshuuraha ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamuud Yuusuf Mansuur.

Sida aan wararka ku helnay sargaalkan la qabtay iyo ilaalada la socotay ayaa lagu qabtay howlgal gaar ah ay ciidanka fuliyeen, waxaana suurto gal ah in xubnahan oo loo gudbiyo magaalada Muqdisho.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa maalmo kahor dagaal kula wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha milatariga sheegeen in howlgalka Janaale lagu dilay araakiil katirsan Al Shabaab.

Related posts

Gudoomiye Mursal oo kahor yimid Doorasho Dadban weerar afka ahna ku qaaday kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

Rasaas culus oo caawa laga maqlay Juba & Taliyihii Sirdoonka oo..

Caydiid Ali

Jaamacadda Jobkey iyo Mahsa University (Malaysia) oo heshiis iskaashi kala saxiixday [Sawirro]

Caydiid Ali
Taboola Ads ---