Waxaa maanta magaala Kismaayo tababar loogu soo gabagabeeyay dufcadii afraad ee kamid noqonaysa ciidanka booliska dawlad goboleedka Jubbaland kuwaasoo muddo sagaal bilood ah tababar la siinaayay.
Ciidamadan oo maanta wadooyinka halbowlaha u ah magaalada Kismaayo dhoolatus ku maray ayaa waxay qayb ka noqon doonaan hawlgalladii ay waday dawlad goboleedka Jubbaland iyadoo la gayn doono goobaha Al Shabaab lagala wareego sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.
Gaashaanle sare Maxamed Naasir Guuleed ayaa sharaxay nooca tababarka la siiyay ciidankan iyo waxyaabaha ay qaban doonaan, isagoo xusay in ciidankan ay qayb ka noqon doonaan dadaallada xasilinta amniga degaanada Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com