Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tartamada Isboortiga oo la joojiyey & Wasiirad Khadiijo oo War soo saartay (Akhriso)

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlada Soomaaliya ayaa joojisay guud ahaan tartamada ciyaaraha kala duwan ee dalka si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus oo caalamka dhibaato ku haya.

Wareegto ay soo saartay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumada Somalia ayey ku sheegtay in muddo 15 maalmood ah la hakiyey ciyaaraha ka socda garoomada.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dedaalada ay DF kaga hortegayso faafida cudurka Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyey laga helay Somalia maalmo ka hor.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa xalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay shan Milyan oo Dollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maanta iyagoo xirnaan doona muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRAD KHADIIJO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad dhac farsameesan geesan jirtay oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ganacsato lagu eedeeyay in lacago siiyaan Al Shabaab oo digniin loo diray

Cabdi Cade

Gambaleelka Suuqii ugu horreeyay ee Saamiyada Itoobiya yeelato oo la yeeriyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---