Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Taliyaha Xoogga dalka oo Baydhabo gaaray & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale ayaa maanta gaarey Magaaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Waxaa Taliyaha Garoonka dayuuradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Maxamed Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka.

Ujeedada safarka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo ayaa la sheegay iney tahay siddii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabineyaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo berri lagu qaban doono Magaaladda Baydhabo.

Taliyaha ayaa isla maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Baydhabo, isagoo kalaa hadlay xoojinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha ka soo horjeeda DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo Covid-19 gudaha Somalia oo sii kordhay

Cabdi Cade

Baarlamanka Galmudug oo go’aan ka gaaray Miisaaniyada sanadka 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali

Khayre oo shaaciyay tirada lacagta ku baxday ciidanka labadii sano ee lasoo dhaafay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---