Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dalal ay ku jirto Kenya oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutah Kagwey ayaa xaqiijiyay in tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ay korortay 24kii Saac ee la soo dhaafay.

Mutah Kagwey ayaa sheegay in qofkii 4aad laga helay Cudurka, mid ka mid ah dadka laga helay cudurkana ayaa lagu baaray xarun gaar loo leeyahay.

Kenya ayaa 13-kii bishan ku dhawaaqday in Kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus laga helay dalkeeda. Wadamada Itoobiya iyo Somaliya ayaa sidoo kale laga. helay cudurka.

Dhinaca kale dalka Rwanda ayaa xaqiijiyay labo kiis oo hor leh oo ku saabsan cudurka Corona, waxay haatan kiisaska la xaqiijiyay gudaha dalkaas gaarayaan ilaa toddobo.

Wasaaradda caafimaadka Rwanda waxay sheegtay in mid kamid ah dadka laga helay cudurka uu u dhashay dalkaas halka qofka labaadna uu kasoo jeedo Jarmalka kaasoo Rwanda yimid 13-kii bishan.

Nigeria ayaa iyana waxay xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Corona, qofkan uu ku dhacay cudurka ayaa kasoo safray dalka UK 13-kii bishan March, iyadoo Wasaaradda caafimaadka ay sheegtay in la karantiilay qofkaas lagu arkay cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax Madoobaad la sheegay inuu dhici doona dabayaaqada bishan iyo meelaha laga arki doono

Cabdi Cade

Dal Afrika kuyaala oo loogu Deeqay Geel loogu tala galay in Argagaxisada kula dagaalamaan

Cabdi Cade

Daawo: Olalaha doorashada Somalia oo bilowday & Khayre iyo Farmaajo oo ..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---