Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil ka soo laabatay dalka Talyaaniga oo lagu karantiilay Magaalada Muqdisho

Afar Soomaali ah oo la sheegay inay yihiin saraakiil tababar loogu diray dalka Talyaaniga oo ka soo degay Garoonka Muqdisho.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee uu sida weyn u aafeeyey cudurka Coronavirus, waxaana cudurkan dalkaas ugu geeriyooday boqolaal qof halka kumanaan kalena ay la ildaran yihiin.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa la sheegay iney la wareegeen, iyagoo ka dibna geeyey goob lagu karantiilay inta laga baarayo Caafimaadkooda.

Saraakiishan ka soo laabtay Talyaaniga ayaa ka mid ahaa rakaabka saarnaa dayuuradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda maanta ee Addis Ababa iyo Muqdisho sida ay sheegeen howlwadeeno ka tirsan garoonka dayuuradaha aadan cadde.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii dowlada Somalia ay shaacisay iney joojisay duulimaadyada iyo dadka ka imanaya afar dal oo uu ku jiro Talyaaniga sababo la xiriira cudurka Coronavirus oo si weyn ugu faafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis xiray Wadaad iyo Odayaal Sabab u ahaa in Haweeney Dhagxaan lagu weeraro

Cabdi Cade

Donald Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Boqor William oo warqadaha aqonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---