Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo joojisay Duulimaadyadii Caalamiga ee Soomaaliya imaan jiray

Xukuumada Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee imaan jiray magaalada Muqdisho si looga hortago in dalka yimaadaan dad qaba xanuunka Caronavirus.

Kulan deg deg ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in si KMG ah loo joojiyo duulimaadyada caalamiga ah ee imaan jiray magaalada Muqdiasho iyo waliba kuwa ka baxa.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar  ayaa sheegay in la joojinayo duulimaadyada Caalamiga ee yimaada Soomaaliya laga bilaabo 18 Bishaan muddo 15 Maalin ah.

Waxa uu sheegay Wasiir Oomaar in dowlada mudnaan gaar ah siin doonto diyaaradaha wada howlaha gar gaarka bini’aadanimo, waxa uuna sheegay in go’aanka duulimaadka caalamiga loo joojiyay looga gon leeyahay kahor taga cudurka Caronavirus.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya xili Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya maanta shaacisay in qof ka yimid dalka dibadiisa dhawaana lagu karaantiilay garoonka Aadan Cadde laga helay caabuqa Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaalida kunool magaalooyin kuyaala dalka Uganda oo Digniin adag loo diray

Cabdi Cade

RW Khayre oo qaabilay wafdi ay horkaceyso Mrs. Emmanuella Claudia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo 260 sano ku xukuntay Sayfullo Saipov (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---