Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shalay baajiyay kulan la qorsheeyay in uu la yeesho qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay kulankan Madaxweynaha la yeelan lahaa Wakiilada beesha caalamka ayaa xili dambe la baajiyay, Madaxweyne Farmaajo ayaana la sheegay in uu codsaday in kulankan dib loo dhigo.

Kulanka baaqday ee la filayay in Madaxweyne Farmaajo la qaato wakiilada beesha Caalamka ayaa looga hadli lahaa arimaha doorashada Soomaaliya, Ciidamada dowlada geesay gobolka Gedo iyo Khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulada qaar.

Madaxtooyada ayaan wali si rasmi ah u shaacin sababta kulankan loo baajiyay iyo xiliga la qaban doono, wakiilada Beesha Caalamka ayaana la sheegay in Madaxweynaha ku cadaadinayaan in doorashada xiligeeda dhacdo xalna laga gaaro xiisadaha siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay in aysan ku qanacsaneyn habka dowlada u wado qaban qaabada doorashada ka filayo in dalka ka dhacdo 2021-ka, waxa sidoo kale Beesha Caalamka dowlada ku cadaadineysa in ay xaliso xiisada Jubbaland ka taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka dilalka siyaasadeed ka fuliya Kismaayo iyo kuwa soo abaabula oo xogtooda la hayo

Cabdi Cade

Xisbiga UPD oo War xasaasi ah kasoo saaray Shirka lagu xaraashayo Shidaalka Somalia

Cabdi Cade

Shirweynaha Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo Muqdisho ka furmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---