Allbanaadir.com
NEWS

Fashilkii Siyaasadda Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Waxii ka dhashay !!

Dagaalkii 77 kuma uusan dhammaan keliya in guuldaro millatari naga soo wajahday balse waxaa halkaa ka bilaawday fashil diplomasiyadeed kadib markii dowladdi xiligaa talineysay ay go’aamisay in ay jarto xiriirki ku dhowaad toban sanadood u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti.
Soomaaliya waxaa ka cadhaysiiyay xaqiiqada ah in midowgii Soofiyeeti ay ku dhawaaqeen inay si buuxda u taageerayaan Ethiopia, oo ayna joojiyeen kaalmadii millatari ee ay siinayeen somalia, iyo iyagoo siiyay taageero militari oo balaadhan Ethiopia. Ku dhawaad 6,000 oo Militari iyo dhaqaalayaho Soofiyeeti  ayaa Soomaaliya laga ceyriyay, Xiriirka Saaxiibtinimada ee labada dal ayaa la baabi’iyay, xiriirkii diblomaasiyadeed ee aanu la lahayn Cubana waa la jaray. Cuba ayaa la siiyay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan. Shaqaalaha diblomaasiyiinta Soofiyeeti ee Soomaaliya ayaa si weyn hoos loogu dhigay waxaa laga soo dhimay 178 iyadoo kaliya laga soo reebay 8 taas oo u dhiganta tirada shaqaalaha diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Moscow.
Mar waliba oo ay siyaasaddaada arimaha dibadda fashilanto oo ay noqoto mid aan qorsho iyo ka fiirsi ku saleysneyn waxay sababtaa in cidwaliba ay faragelin toos ah iyo mid dadban ku yeelato siyaasadda arimaha gudaha, waxaa la wada ogyahay in bil kadib marki ciidamadda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen Ethiopia in la qorsheeyay Afgambi la doonayay in xilka lagaga tuuro Madaxweyne Siyaad Barre (AUN) kaasi oo markii danbe fashil ku dhamaaday, qaar kamid ah hogaamiyaashi afgambiga ayaa dalka ka cararay halka kuwa kalana la qabqabtay, 17 ka mid ah kuwii la qabtayna waxaa lagu xukumay dil, kuwa kalana xabsiyo waqti dheer ah baa lagu xukumay. Hogaamiyaha ugu weyn ee hogaaminayay isku daygan afgambiga ayaa la sheegay inuu ahaa Korneyl Muxamed Sheekh oo ka tirsanaa ciidamada cirka.
Waxaa intaa kadib bilawday in ay sariikiishi dowladda goostaan, waxa ayna goosashadaasi inta badan ka dhacday dhinacyada Militariga iyo safaaradaha taasi oo ahayd qaabki laabaad ee lagu muujinayay mucaaradada, tusaale ahaan waxaa ka mid ah Hussein Dualeh, oo goostay 1978-kii isaga oo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya. Sidoo kale, Cabdullaahi Enlaye, oo goostay 1980-kii isagoo ahaa qunsulkii Jabuuti. Qofka saddexaad, ee sida aadka u muuqday, wuxuu ahaa Maxamed Warsame Cali oo sidoo kale goostay,  1980-kii, isagoo ka tagay xilkiisii ahaa safiirka Soomaaliya ee Washington.
Maadaama aan la ogoleyn xisbi siyaasadeed kale oo aan ahayn xisbiga Madaxweyne Siyaad ee Xisbiga Hantiwadaag Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) iyo in dhaqdhaqaaq siyaasadeed dalka gudahiisa uu ka sameysmo waxay hogaamiyaashii mucaaradka bilaabeyn iyagoo qurba jog ah dhaqdhaqaayo dibbad jog oo looga soo horjeedo dowladda waxaana isa soo tarayay sameynta dhaqdhaqaaqyada iyago dhanka kalana sameynayay gaashaan buursi oo marka isku biirayay taasi oo sababeysay in ay magacyadu badashaan mar walba oo ay isku biiraan dhaqdhaqaaqyadu.
Haddaba inagoo cashar ka qaadaneyna qaladaadka horay inoo soo maray waxaa inala haboon in mar waliba dib u eegid aan ku sameyno siyaasadeena arimaha dibadda, haddii ay ahaan lahayd hanaanka iyo qorshayaasheeda ama sara u qaadida aqoonta iyo kartida howlwadeenada iyo diblomaasiyiinta dalka meel walba oo ay joogaan waayo iyaga ayaa ah hagaasha iyo qaabeyayaasha howlaha diblomaasiyadeed.
W/Q  Mohamed Daahir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo meel marisay sharci ay ku qabsaneyso dooxada Jordan

Caydiid Ali

Wasaaradda Amniga oo Awaamiir kasoo saartay heesashada hubka sharci darrada ah

Cabdi Cade

Munaasabada Ciida oo si weyn looga dabaaldegayo Muqdisho & dalka intiisa kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---