Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gaari Ambulance ah oo lagu qarxiyey dalka Kenya iyo dad Soomaali ah oo ku dhintay

Wararka ka imanaya Magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhinteen kadib markii qarax lala beegsaday baabuur ambalaas ah.

Xilliga qaraxu qabsanayey gaariga ayaa siday bukaanno Soomaali ah oo loo soo waday isbitaalka weyn ee magaalada Gaarisa, waxaana Qaraxu uu ka dhacay deegaanka Ijaara.

Qaraxa ka dib dabley hubeysan oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaariga ambalaaska ah ee qaraxu qabsaday sida dad halkaas ka dhowaa ay sheegeen.

Darawalka waday gaariga ambalaaska iyo saddex ka mid ah bukaanadii uu siday oo la ildarnaa cuduro kala duwan ayaa goobtaas ku naf waayey halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inkastoo qaraxyada iyo weerarada noocan ah looga bartay al-shabaab, iyadoo ciidamada amaanka dalka kenya aysan ka hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Galmudug oo amar cusub laga soo saaray &faah faahin ku saabsan Ciidankii saakay la geeyay Dhuusomareeb !!

admin

Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug oo amar deg deg ah siiyey laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska Hor Imaad Khasaaro dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---