Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

WHO oo ku dhawaaqday in Yurub ay noqotay xuddunta xanuunka Coronavirus

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Yurub ay tahay xuddunta xanuunka coronavirus xilli ay dalal badan oo dunida ah la tacaalayaan xakameynta faafitaanka firuskan islamarkaana ay xirayaan xuduudahooda iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiyada.

Hadalka WHO ayaa yimid iyadoo tirada dadka uu ku dhacay coronavirus iyo dadka u dhimanayaba ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa WHO ayaa sheegay in qaaradda Yurub ay haatan soo warineyso “kiisas iyo dhimasho ka badan isu-geyn dunida inteeda kale, marka laga reebo China.”

Wuxuu ku tilmaamay “dhacdo naxdin leh”, isaga oo ka digay inaysan suurtagal ahayn in la sheego goortu fayrasku uu hoos u dhici doono adduunka oo dhan.

Ilaa intii uu coronavirus ka dillaacay dalka China bishii December ee sanadkii hore, in ka badan 143,400 oo kiis oo bukaano uu haleelay ah ayaa laga soo wariyey 135 dal sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka uu cudurkani dilay oo marba mark aka danbeysa sii kordheysa ayaa haatan mareysa in ku dhow 5,500 oo qof.

Wadamada uu cudurkani dhibaatada ugu daran ku haayo ayaa kala ah Shiinaha oo ay ku geeriyoodeen 3,176 qof, Talyaaniga oo ay ku geeriyoodeen 1,266 qof iyo Iran oo ay ku geeriyoodeen 611 qof.

XIGASHO: VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir oo lagu soo dhoweeyey Xarunta Jaamacada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Mukhtar Roobow oo hal arrin ka codsaday Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---