Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Xidhibaan Jamaal Maxamed Xasan oo ka soo degaanada Puntland ayaa ka haray wafdi ballaaran oo isugu jiray Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Magaalada Garoowe ka degay.
Waxaa hogaaminayay wafdigan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxayna Garoowe kaga qayb gelayaan shirka wadatashiga Puntland ee uu ku baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo maalinta beri ah halkaas ka furmaya.
Sida ay sheegayan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Wasiir Jamaal ka biyo diiday ka qeyb gelka Shirka wadatashiga Puntland, isagoo noqday Wasiirka kaliya ee kasoo jeeda Puntland oo shirkaas ka maqnaan doona.
Wasiir Jamaal ayaa sababta uu uga baaqday shirkan waxaa lagu sheegay inay tahay Bulshada ku dhaqan degaanka uu kasoo jeedo oo tabashooyin ka qaba maamulka Puntland kuwaasoo wasiirka ku cadaadiyey inuusan ka qeyb gelin shirka.
Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ka socda diyaar garow ku aadan Shirweynaha wadatashiga Puntland ee uu Iclaamiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo maalinta beri ah furmaya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka kana soo jeeda Puntland iyo xubno kale oo lagu casuumay shirkaas oo ah mid si weyn loo hadal hayo iney ka soo bixi doonaan go’aano ka dhan ah DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com