Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xiliga la qabanayo Xaflada caleemo saarka Madaxda cusub ee Galmudug oo la shaaciyey

Guddiga qaban-qaabada Xaflada Caleemo-saarka Madaxda cusub ee Galmudugshaaciyay waqtiga la qabanayo Xaflada Caleemo-saarka Madaxda Galmudug.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xaflada Caleemo-saarka oo qoraal soo dhigay bartiisa Faceebook ayuu ku sheegay in Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa la qabanayo 26-ka Bishan Maarso.

“Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku Xigeenku ay ka dhacdo Dhuusa Marreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Madax kala duwan oo ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo wakiilada beesha calamka ayaa xaflada Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ka qeyb geli doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Itoobiya oo shaacisay iney soo riday dayuurad hub ka dejineysay Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Dil Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

admin
Taboola Ads ---