Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad oo ka hadlay aragtida Farmaajo & Khayre ee ku wajahan shirka Garoowe

Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa cadeeyey sida madaxda sare ee dowlada federaalka u arkaan shirka wada-tashiga Puntland ee beri ka furmaya Garoowe.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre aysan wax mushkilad ah u arkin shirkaas, islamarkaana ay hambalyo u soo direen shacabka Puntland, shirka wada-tashigana u rajaynayaan Guul.

“Puntland ayaa marti qaaday wakiilada dowladda federalka Soomaaliya si ay shirkaan kaalin uga qaataan” ayuu yiri Cawad oo ka hadlayey sababta ay u tageen shirkan.
Cawad oo hoggaaminaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa shalay gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Shirkan ayaa loo arkaa mid ka dhan ah dowlada dhexe maadaama Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay ka dib markii uu aad uga carrooday siyaasada madaxda sare dowlada.

Wasiirka ayaa horkacaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF oo ka soo jeeda Puntland kuwaasoo shalay gaaray magaalada Garowe, si ay uga qeyb galaan shirka halkaas

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan layaab ku tilmaamay Booliis sugi waayay amniga Muqdisho in la geeyo magaalo amaan ah

Cabdi Cade

Ciidanka DFS oo qabtay Gaari iyo hub ay lahaayeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe iyo C/weli Muudey oo Muudey oo Muqdisho ku kulmay iyo Xog ku aadan ..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---