Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoorqoor oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay shir gudoomiyey shirka Golaha Amniga Galmudug.

Kulankii 8aad ee shirka Golaha amniga waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya amniga.

Shirkan ayaa waxaa soo agaasimey xafiiska Amniga Galmudug, waxaana looga dooday qodobo aad u muhiim ah oo ay kamid yihiin.

1-Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
2-Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
3-Xoreynta degaanada ay haystaan aragagixisada.

Madaxweyne Qoorqoor oo gebagebadii kulankaas la hadlay guddiga amniga Galmudug ayaa sheegay baahida loo qabo xoojinta amniga degaanada Galmudug, si looga fuliyo mashaariic loogu adeegayo bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaano sabab yaab leh uga baxay fadhi ay lahaayeen Baarlamanka France (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo Dowlad deegaanka u gacan gelisay Madaxii hore ee Xabsiga Jeel Ogaadeen

Caydiid Ali

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---