Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo shaacisay in uu baaqday kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac ku yimid kulan la qorsheeyay in magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ku dhax maro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in dib u dhac ku yimid kulankii dhax mari lahaa Madaxda Soomaaliya ,Kenya iyo Itoobiya, mana sheegin Wasaarada sababta rasmiga ah ee dib u dhaca kulanka keenay.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay  duruufo aan laga fursan Karin awgeed uu keenay dib u dhaca ku yimid kulanka Nairobi ku dhax mari lahaa kulanka Sadexda Madaxweyne.

Dowlada Kenya ayaa magaalada Nairobi ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la badan masuul kulan looga hadli lahaa xiisada Soomaaliya iyo Kenya la yeelan lahaayeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo ka Walaacsan Saameynta Qadar iyo Turkiga ku yeesheen Somalia in arin kusoo food leh

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Warbixin ka dhageestay Magatte Guisse (Sawirro)

Cabdi Cade

Saadaq Joon iyo Ciidamo badan uu wato oo Caawa mar kale degay Shiirkole iyo Cabsi jirta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---