Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo aqbalay Codsiga uga yimid Madaxweyne Deni

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada maamul goboleedka Puntland gaaray Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlada federaalka Somaaliya , waxaana soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.

Wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada isugu jira ee maanta gaaray magaalada Garawe waxaa hogaaminayay Wasiirka arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad .

 

Wasiiradan iyo Xildhibaanada katirsam labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay codsi ka yimid Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku aadan in ay kasoo qeyb galaan shir looga hadlayo aayaha Puntland oo Garaw ka dhacaya.

Shirkan wadatashiga Puntland ayaa la filayaa in magaalada Garawe ka furmo 15-ka bishan, waxaana ka qeyb galaya shirkan Masuuliyiin isugu jira mucaarad iyo muxaafad , waxaana gabo gabada shirka la filayaa in War Murtiyeed laga soo saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

“Maxaa keenay in cadowgu tab isku mid ah uu maalin walba ku laayo ciidankeenna”

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Musharaxiin tanaasulaysa

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo Baaq deg deg ah soo saartay kana digtay Halis cusub oo soo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---