Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau oo isu karantiilay shaki la xiriira Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa karantiil u galay cabsida ku aaddan Coronavirus awgeed, sida uu xafiiskiisa xaqiijiyay.

Xaaskiisa, Sophie Gregoire-Trudeau, ayaa galinkii dambe ee Arbacadii lagu arkay qaar ka mid ah calaamadaha cudurka, kaddib markii ay ka hadashay xaflad meher ah oo ka dhacday UK.

Waxaa lagu sameeyay baaritaan ku aaddan Coronavirus, iyada iyo Ra’iisul Wasaarahana waxay isku soo xireen gurigooda, iyagoo sugaya ilaa inta ay natiijada baaritaanka kasoo baxeyso.

Mr Trudeau wali laguma arkin wax calaamado ah oo muujinaya xanuunka, iyadoo Dhakhtarkiisa gaarka ah uu kula taliyay inuu howl maalmeedkiisa iska wato laakiin uu si gaar ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

Balse bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in si wax walba loo hubiyo uu ku shaqeynayo gurigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo lagu dhaliilay ka qeyb galka Shirar ka hooseeya maqaamkiisa

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo balan-qaad u sameeyey ciidamo loo tababarayo Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuul ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---