Allbanaadir.com
NEWS

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Duqeyn Mareykanka ka geestay Janaale (Sawirro)

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dowlada Mareykanka ayaa shalay duqeyn waxa ay la beegsadeen gaari nuuca Soomaalidu u taqaan Homy oo marayay tuulada Ugunji oo ku dhaw deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay duqeynta ka dhacday duleedka Janaale in lagu dilay shan katirsan dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale lagu gubay gaarigii ay la socdeen.

Dowlada warka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday duleedka Janaale aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah kaliyana lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab oo ay sheegeen in bartilmaameed ahaayeen.

Hasa ahaatee waxaa soo baxaya warkan mid kale oo ka duwan, waxaana Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha sheegeen in duqeynta ka dhacday duleedka Janaale lagu dilay afar qof oo shacab ah oo kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Warbaahintan ayaana soo bandhigtay sawirada gaariga gantaalka lagu dhuftay iyo meydadka dadka la dilay, waxa ayna sheegeen in dadkan ahaayeen dad shacab ah oon wax xiriir ah la laheyn Al Shabaab.

Dadka duqeyntan lagu dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay  C/raxmaan Cali Waadhoor Maxamad Axmad Sh/Isxaaq, Oday magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi iyo Darawalka gaariga oo magaciisa lagu soo koobay Axmed Niic.

Labo kamid ah ragan la dilay ayaa la sheegay in ay korinayeen caruur hooyooyinkooda geeriyoodeen sida uu sheegay Xaaji Nuur Xaaji Xayaysi oo ahaa seediga labadaasi nin ee la dilay oo horey uga geeriyoodeen gabdho la dhashay isaga.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara labadan war kala duwan ee kasoo baxaya duqeynta diyaaradeed ee shalay galab ka dhacday deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ayaa mararka qaar waxa ay waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah, waxaana duqeyntan kusoo aadeysa xili Mareykanka kordhiyeen beegsiga xarumaha Al Shabaab ka taliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga labada aqal ee dib u eegista Dastuurka gudoon cusub doortay (Sawirro)

Caydiid Ali

Baarlamanka Maamulka Galmudug oo meel mariyey sharci muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Guud ee ciidanka Sacuudiga oo booqday Iran (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---