Wasiirka arimaha Gudaha iyo amniga Dalka Kenya Fred Matiangi, ayaa safar ku tagay magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya, waxa uuna halkaasi kula kulmay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.
Labada masuul ayaa kawada hadlay arimo badan oo kamid yihiin xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa ay sidoo kale kawada hadleen khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka Arimaha gudaha Kenya ayaa qoraal uu Twitterka soo dhigay ku sheegay in uu Ra’isalwasaare Abiy Ahmed kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa sohdinta ay wadaagaan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo xiisadi ka jirto.
Fred Matiangi ayaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya kala hadlay sidii uu gacan uga geesan lahaa in xal laga gaaro khilaafka Soomaaliya iyo Kenya uu horey gacan uga geestay una dhax dhaxaadiyay Madaxda labada dal.
Kulanka Wasiirka arimaha gudaha Kenya la qaatay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili Wasiirka uu isbuucan safar ku yimid magaalada Muqdisho una keenay Madaxweyne Farmaajo dhambaal uu ka waday Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf ka dhashay taageerada Kenya siineyso Jubbaland gaar ahaan Wasiirka amniga Jubbaland oo ka baxsaday Muqdisho kuma sugan magaalada Mandheera uu ka wadao abaabul dagaal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com