Wargeys kasoo baxa magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa qoray in dowlada Itoobiya hakisay saamigii maalgashi ay ku laheyd Dekedda Berbera, oo ahaa 19%, taa badalkeedana u wareegtay Dekad kale.
Warkan la faafiyay waxaa si adag u beeniyay maamulka Somaliland, waxaana Wasiirka Wasaradda Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon sheegay in uusan waxba ka jirin warka uu faafiyay Wargeysa.
Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Itoobiya aysan hakin saamihgii ay ku laheyd dekadda Berbera , waxa uuna tilmaamay Wasiirka in xiriir la sameeyeen masuuliyiinta Itoobiya una cadeeyeen in warkaasi uusan jirin.
Mr Faratoon ayaa cadeeyay in warkaasi Wargeysku faafiyay uu ahaa mid dano gaar ah laga leeyahay, waxa uuna cadeeyay in heshiiska saami qeybsiga Dekadda Berbera uu wali sidiisa yahay wax isbadal ahna uusan jirin.
Maamulka Somaliland ayaa heshiis maalgashi saami qeybsi dekadda Berbera waxa uu la galay Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, waxaana saamiyada loo qeybsaday Imaaraadka 51%, Itoobiya 19%, halka Soomaaliland ku leedahay 31%.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com