Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirada Caafimaadka Britain oo ku dhacay Caronavirus iyo cabsida oo sii korortay

Cudurka Caronavirus ee kasoo bilowday gobol katirsan dalka Shiinaha ayaa si weyn dunida ugu faafay, Cudurkan ayaana la sheegay in uu wada haleelayo dadka caadiga ah iyo sidoo kale Madaxda.

Qaarada Yurub ayuu hada kusii faafayaa cudurkan halista badan, waxa uuna haleelay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo waliba dad kale oo magac iyo maamus ku leh qaarada Yurub.

Wasiirka caafimaadka, Dalka Ingiriiska  Nadine Dorries ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Coronovirus  Wasiirada ayaana sheegtay in xanuunkaasi haleelay isla markaana ay isku karantiishay hoygeeda.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurkan haleelo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Ingiriiska oo xiriir la sameesay Wasiirada caafimaadka oo sidoo kale ah Xildhibaan uu hada ku dhacay Cudurlan caronaviris.

Hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Cudurka Caronaviru ee ku faafaya dunida ayaa waxaa hada socda dadaalo badan oo lagu doonayo in cudurkaasi lagu joojiyo faafintiisa, waxaana maalin walbo sii kordhaya dadka uu haleelayo cudurkaasi iyo kuwa u dhimanaya.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil

Caydiid Ali

(Xog) Xagee ku dambeeyeen Xoogagii Ahlusuna ee ka dagaalamay degmada Guriceel?

Caydiid Ali

DF oo shaacisay in Xubno badan looga dilay Al Shabaab weerarkii saakay gaadiidna …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---