Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qofkii labaad abid oo ka dawoobay cudurka halista ah ee HIV/AIDS (Sawirro)

Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen nin kasoo jeeda magaalada London ayaa noqday qofkii labaad ee caalamka ku nool oo ka dawooday cudurka halista ah ee HIV oo ka mid ah cudurada aan illaa hadda dawada loo helin.

Adam Castillejo ayaa laga waayey HIV kaddib markii daweynta ka joojiyay muddo 30 bilood ah ka hor.

Ninkan kuma reysanin dawooyinka HIV-ga kaliya, balse wuxuu sidoo kale ku caafimaaday daweyn looga sameynayay unugyada jirkiisa, taasoo uu u qaadanayay xanuunka kansarka oo sidoo kale uu qabay,

Sida uu ku waramay wargeyska the Lancet HIV dhaktaariirta kansarka ka daweyneysay ayaan fileynin in dawooyinkooda ay horseedi doonaan difaac ka hor taga HIV-ga.

Timothy Brown oo loo yaqaannay Bukaankii Berlin ayaa Sanadkii 2011-kii noqday qofkii ugu horreeyay abid ee lasoo tabiyay inuu ka bogsaday HIV kaasoo muddo saddex sano iyo bar ah qaadanayay dawo la mid ah midda bukaanka labaad uu qaatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahin ku saabsan halka Saldhigyada Militariga ee dalka Itoobiya noqon doonaan oo la shaaciyay !!

admin

Suuqyo kuyaalla Ceelasha Biyaha oo qaraxyo lagu gubay kaddib markii…

Cabdi Cade

Calan muran iyo shaki badan abuuray oo lagu ag arkay Maxamed Al-Bashiir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---