Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye)

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay qaarajisay Muuse Macallin (Mucaawiye) oo ahaa madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee Al-shabaab” ayaa lagu qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G/Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye

NISA ayaa todobaadkii hore shaacisay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay kooxda al-shabaab hogaankeeda sare ka dib markii Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii ay labada nin dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho sida lagu sheegay qoraalka NISA ay soo saartay todobaadkii hore, waxaana iscasilay Muuse Macalin (Mucaawiye).

Bashiir Qoorgaab oo ahaa abaanduulihii ciidamada Al-shabaab kana mid ahaa ragga ka soo horjeestay amiirka kooxdaas waxaa kadib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo sida uu sheegay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo ugu baaqday Somaliland in ciidankeeda Deg deg uga saarto magaalada… …

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo si weyn u bogaadiyey Shacabka Guriceel (Daawo Sawirada) 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---