Dalka Talyaaniga waxaa saameyn xun ku yeeshay caabuqa Caronavirus oo si ba’an dalkaasi ugu sii faafaya, waxaana sii kordhaya dadka uu maalin walbo soo ridanayo xanuunkaasi iyo kuwa u dhimanaya.
Dowlada ayaa ku amartay dhamaan dadka kunool dalkaasi in ay ku nagaadaan guryahooda si looga hortago in uu sii faafo caabuqa Carona, waxaana gabi ahaan dowlada amartay in la xiro goobaha dadki isugu yimaadaan.
Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin adag si looga hortago waxna looga qabto sii faafidda cudurka Caronavirus oo dhibaato badan ku haya dalkaasi.
Goobaha waxbarashada dalka Talyaaniga ayaa gabi ahaan la xiray, waxaa sidoo kale la joojiyay dhamaan ciyaarihii dalkaasi lagu qaban jiray, waxaa sidoo kale dadka lagu amray in aysan sameyn karin isku imaatin si walbo haku timaadee.
Dalka Talyaaniga ayaa noqda dalka ugu daran ee Yurub kuyaala uu ku faafay cudurka Caronavirus, waxa cudurkaasi laga helay dad ku dhaw 8-kun oo qof halka dadka u dhimanaya cudurkan maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com