Allbanaadir.com
NEWS

Barakac xoogan oo ka socda qeybo ka mid ah magaalada Belad-weyne (Daawo Sawirro)

Boqolaal qoys oo ku noolaa qeybo ka mid ah Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka barakacay guryahooda ka dib markii uu ku soo fatahay webiga Shabelle ee dhexmara magaaladaas.

Xaafadaha webiga ku fatahay ee laga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah Xaawo-Taako, Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.

Waxaa kale oo jira xaafado laga cabsi qabo in  webigu ku soo fataho kuwaasoo dadkii degenaa ay bilaabeen iney ka sii gurtaan alaabadooda ka dib markii la siiyey digniin ka soo baxay Maamulka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka ka barakacay fatahaada Magaalada ay qiyaastii gaarayaan 9,000 oo ruux kuwaasoo maciin biday degaannada taaga ah ee dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle.

Waxaa uu ka deyriyay xaalada nololeed ee dadka ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen, kuwaasoo uu sheegay iney xaalad adag oo nololeed ku heysato degaannadii ay u barakaceen.

“Wax u diyaarsan ma jiraan dadka barakacay meel cidlo ah ayey daadsan yihiin, ma heystaan guryo iyo Hoy ay gallaan iyo musuqulo, waxa intaa uga sii daran roobka oo wali ku dul da’aya, waxaa ay u baahan yihiin in lala gaaro kaalmo degdeg ah ah’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray inay hayaan xog ku saabsan biyo ka soo rogmaday roobabka ka da’aya Itoobiya oo ku soo fool leh magaalada, waana tan keentay in 30% dadkii ku dhaqnaa magaalada goor hore isaga sii baxaan iyaga oo ka cabsi qaba wax-yeelo ka soo gaartay biyahan digniinta laga soo saaray.

Fatahaadaha webiyada ayaa sidoo kale saameysey gobolo badan oo ay ka mid yihiin Sh/hoose, Gedo, Sh/dhexe iyo degaano kale iyagoo qaaday beero badan oo dalagyo kala duwan ay ka baxayeen.

Fatahaadan ay sameynayaan webiyada Jubba iyo Shabelle ayaa ku soo aadaya xili ay bilowdeen roobabkii xiliga Gu’ga oo haatan si fiican uga da’aya inta badan gobolada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar la dilay oo Meydkeeda laga xaday Ehelkeeda oo doonayay in ay aasaan !(Sawirro)

Cabdi Cade

Jeneraal Odawaa oo Farriin Dardaaran ah u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda

Cabdi Cade

Ciidamo isku urursanaya laba qeyb oo Muqdisho ka mid ah & Farmaajo oo dambiile Qaran lagu tilmaamay!!

admin
Taboola Ads ---