Allbanaadir.com
NEWS

C/raxmaan C/shakuur “Waa inaan la caburinin Mucaaradka si waxa qaldan loo saxo” (Daawo Video)

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida xooggan u mucaaradsan dowlada Somalia ayaa codsaday inaan la caburinin mucaaradka si wax loo saxo.

Isagoo ka hadlayey kulanka madasha talo wadaag oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in doodaha mucaaradka iyo muxaafidka dhexmara looga baahan yahay iney ku dhisan yihiin masuuliyad iyo asluub wanaag si ay u noqdaan kuwo wax dhisaya.

Waxaa uu intaas ku daray in Soomaaliya xiligan aysan horey ugu socon Karin talo koox gaar ah ka timid balse lagu horumarin karo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan intaba talo wadajir ah.

Hoos ka daawo hadalkii uu C/raxmaan C/shakuur ka jeediyey doodii xalay oo aheyd mid u kulul oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo kuwo taageersan dowlada federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey ciidanka DF oo laga saaray Raaskamboni

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Sheikh Xasina oo is casishay kana carartay dalkeeda

Cabdi Cade

Iran oo shaacisay iney qabatay kooxdii dilka u geysatay Mohsen Fakhrizadeh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---