Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo maka adkaaday dowlada Kenya mise ? (Falanqayn)

Marka laga tago su’aalha iyo shakiga ah danta iyo dhammaadka ugu danbeeya ee Madaxweyne Farmaajo ka leeyahay weerarada iyo awood ku muquuninta cidkasta oo hor istaagta, haddana markii lafa gur lagu sameeyo dagaaladii xadka ka dhacay iyo sida Kenya uga jawaab celisay waxaa muuqata in Madaxweyne Farmajo ka caqli badiyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyata.

Nabad iyo Nolol waxaa jirta dhowr arrin oo ay siyaasadda Soomaaliya ku soo dareen oo haddii laga gaaro jid dheer oo la mari lahaa soo gaabiyay.

Arrimahaas dhowrka ah waxaa ka mid ah:

Qaras ka tuurnimo ama geesinmo aan wax xisaab ah ku dhisnayn. cid ku fikiraysay ma jirto in sida Alshabab meel qabsday nin siyaasi ah habeen cad la iska weeraro. Sidoo kale, cid ku fikiraysay ma jirto in Abuu-Mansuur maalin cad la soo silsiladeeyo. Dhusamareeb in macalin Maxamuud asaga oo gacan ku gabad ah diyaarad laga saaro dhowr iyo toban sano oo uu haystay kaddib cid ku fikiraysay ma jirto, sidoo kale.

Intaas waxaa dheer in ergaygii QM asna Soomalia diyaarad laga saaro arrin la sadaalin karay ma ahayn.

Arrimahaas dhan waxay ku tusayaan cid ama wax loo aabayeelayo ama cawaaqib xumo laga fikiro in aysan ku jirin qaamuuska go’aan qaadashada Nabad iyo Nolal. Waxaan u bixiyay siyaasadda qaraskatuurnimada iyo geesinimada mataan ciideed. Intiina Barnaamijka dhaqanka ee VOA dhagaystay waxaan is leeyahay in aad Mataan ciideed xasuusanaysaan.

Markaan u soo laabano arrinta Kenya iyo dagaalka xuduuda, anigu waxaan filiyay in Kenyaatigu ku mintidi doonaan Abdirashiid Janan iyo Axmed Madoobe ayaga oo hub, iyo taageero toos ah siinaya sida diyaaradaha dagaalka iyo ciidmada khaaska ah.
Arrintan waxaan ku xiriyay haddii aad dib u milicsataan markii doorashada Axmed Madoobe Kismayo ka dhacaysay iyo sida Kenyatigu ugu jilba-aastay.

Laakiin dagaalka xuduudda Kenyatiga wax qorshe ah oo nidaamsan maysan ka lahayn. Waxaa laga yabaa in sirdoonka iyo dadka madaxda la taliya ku fikiraynin in ciidmada dowladda dhexe ee Soomaliya soo qaadayaan weerar dhammaystiran .
Hadday ku fikireenna, diyaar garow maysan samaynin sida muuqata.

Intaas waxaa dheer markii ciidmada Federaalka ee Soomaliya ay lugta mariyeen Cabdirashiid Janan, go’aanka uu Madaxweyne Farmaajo qaatay oo ahaa in uu Waco Kenyata wuxuu ahaa mid cajiib ah ama straatiji ah. Waxaa ka sii daran in Kenyaata qabtay telphoonka, yirina xaalka halla dejiyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya Fred Maitangi in uu Xamar yimaaddo asaga oo farriin wada waxay tusaale fiican oo kale u sii tahay in Kenyaatiga laga adkaaday ugu yaraan muddo kooban.

Madaxweyne Farmaajo markuu hadda Nairobi tago, wuxuu tagaya asaga oo awood uu ku gorgortumo leh-Bargaining power waxa afka qalaad lagu yiraahdo.

Annigu waxaa jeclaan lahaa in 30 sano kaddib ayada oo Soomali uusan dagaal ka dhaxaynin ama aan xabad la isku ridaynin xuduuda aan tagno laakiin si kasta oo ay wax u dhaceenba, walow ay su’aal ka taagantahay inta siyaasadaha noocan ah sii shaqayn karaan, haddana siyaasadda qaraskatuurnimada ah xuduudda ayay tagtay.

Markaan soo koobo, Nabab iyo Nolal haddii aysan wax is baddalin maalmaha soo socda Kenyaatiga way jabsadeen.

W/Q Ahmed Abdihadi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney la doonayay in lagu dhax iibiyo barta Facebook oo la bad baadiyay

Cabdi Cade

Ciidamada Eritraya oo lagu eedeeyey iney dil iyo boob ka wadaan xadka gobolka Tigray

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Maxkamad dil toogasho ah ku fulisay Lamaane aroos ahaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---