Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday xarig laamaha amaanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda nabad sugida u geesatay Wariye ka howlgala magaalaa Muqdisho.
Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja ayaa maalmo kahor laga sii daayay xabsi ay Hay’adda nabad sugida ku leedahay magaalada Muqdisho, hasa ahaatee wariyaha ayaa mar kale xabsiga lagu celiyay.
Ehelada wariyaha xiran ayaa saakay isugu soo haxay dibad bax ay dowlada uga dalbanayaan in wariyaha xuriyadiisa la siiyo, waxa ayna sheegeen ehelada in wariyaha uu iska xiran yahay iyada oon maxkamad lasoo taagin lana soo bandhigin waxa lagu heesto.
Wali lama oga waxa lagu heesto Wariye Abuuja oo tifatire ka ah mid kamid ah Idaacada magaalada Muqdisho, mana jiro ilaa hada wax war ah oo laamaha amaanka kasoo saareen xariga Wariyahan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com