Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Khayre oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo lagu qabtay Xalane (daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray amniga dalka, iyo u diyaar garoowga shirka Todobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka Belgium, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga dalka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka

Waxaa Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium loogu soo bandhigi doonaa Beesha caalamka Istraatiijiyadda ay dowladda Soomaaliya u dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo magacaabay guddiga Badbaadinta & soo Celinta Hantida Qaranka (Akhriso)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga bixiyay qaabkii loo dilay Bilaal Al-Sudani iyo kooxdii dilkaasi fulisay

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi Qurbajoogta la dhaceen oo bishan arday cusub qaadanaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---