Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka arimaha gudaha Kenya oo booqasho deg deg ah ku yimid Muqdisho iyo kulamo socda

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya Fred Matiangi , waxaana garoonka diyaaradaha aadan Cadde wafdigan kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dowlada Kenya iyo xubnaha la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay in kulamo kula leeyihiin madaxda sare ee dalka .

Sida aan wararka ku helnay Wasiirka ayaa fariin ka waday Madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta, fariintan ayaana la sheegay in la gaarsiinayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan telfoon kula hadlay dhigiisa Kenya.

Safarka deg dega ah uu Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Kenya maanta ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili xiisad siyaasadeed labada dal ka dhaxeyso, waxaana labada dal midbo kan kale ku eedeeyay farin galin .

Waxii warar ah ee kusoo kordha safarka Wasiirka arimaha gudaha Kenya kala soco wararkayaga dambe insha Allah 

Related posts

Sidee Somalia ku yimaadeen ajaaniibta ka tirsan Al-Shabaab ee maanta la xukumay?

Caydiid Ali

Madaxweyne kuxigeenka Turkiga iyo Wasiirka Difaaca DFS oo arrimo muhiim ah ka…

Cabdi Cade

Daahfur loo sameeyay Hormuud Salaam Bank Foundation (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---