Toddobaadkii dhawaa, waxaa soo shaac baxay in dowladda Kenya ay laaluush fara badan ku bixisay diblomaasiyiin shisheeye ah, oo ay doorbidayso inay ku caawimi doonaan inay ku guuleysato kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (QM). Kenya iyo Jabuuti ayaa sanadkaan (June 2020), ku tartamaya kursiga aan joogtada ahayn ee ay qaarada Afrika ku leedahay Golaha Ammaanka muddada u dhexeysa 2021 ilaa 2022.
Walow qaab dhismeedka Golaha Ammaanka uu muddo dheer ka taagan yahay muran, haddana goluhu waxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin xubno joogta ah oo leh awoodda codbixinta “Veto,” ee aan laga daba hadlin, kuwaas oo kala ah: China, France, Great Britain (UK), Russia iyo United States (US).
Halka tobanka xubnood ee ku meel gaarka ah, oo laga soo dooraanyo Golaha Guud, loo qaybiyay qaaradaha haddana shan ka mid ah sanadwalba waxaa loo doortaa xil wareegta ah oo laba sanadoodle ah. Golaha waxaa fadhiiya, oo aan xubin buuxda ka ahayn cod doorashana lahayn, dalka Falistiin iyo kaniisada Vaticanka.
Inta badan musharraxa Afrika, waxaa lagu xushaa iskurraac wadar loo dhan yahay, balse xagaagii dhawaa, guddi hoosaadka ururka ayaa si laga habboon yahay cod ugu qaaday Kenya iyo Jabuuti oo kala helay 37 iyo 13. Taasi waxay ka careysiisay dowladda Jabuuti soona deddejisay in musharrxnimadeeda ay si rasmi ah u soo barbardhigto Kenya.
Tan iyo waagaas, Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu si ba’an ugu ololaynaayay sidii uu u heli lahaa dalal badan oo taageersan dalkiisa.
Ergayga Jabuuti u fadhiya QM Danjire Maxamed Siyad Ducaale oo warbaahinta kula hadlay New York ayaa yiri, “Codbixinta waxay meelkadhac ku tahay qawaaniinta Midowga Afrika, sababtaas awgeed ayaanu u diidnay natiijada cilladaysan oo sharcidarro ah, iyo qaadashada qaab aan hore u dhicin.”
Wargeyska Weekly Citizen ayaa shaaciyay fadeexo la xiriirta laaluush Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ay ku bixisay 25 wakiil joogta ah ee fadhiya QM iyo Midowga Afrika. Halkaas waxaa ka muuqday in dowladda Kenya ay si gurracan awooddeeda dhaqaale ay u adeegsanayso si ay u hesho kursiga QM.
Ilo xog’ogaal ah ayaa wargeyska u sheegay in diblomaasiyiintaas ay New York kaga soo duuleen tikityo “First Class” ah oo lagu qiyaasayo midkiiba inuu ku kacay 600,000 oo shilinka Kenyaan ah, lana dejiyay “Radisson Blu Hotel,” oo ah derejada “five-star,” qolkiisa ugu jabanne lagu qiyaasay inuu kor u dhaafayo 27,000 shilin Kenyaan habeenkii.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo aan loo eegayn haddii doorashada lagu tartamayo iyo in kale, xubinta musharraxa ah waa inay heshaa seddax dalool labo meel codka 193 dal oo xubno ka ah Golaha Guud ee QM. Qaarada Afrika seddax kursi ayay ku leedahay majliska, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku kala fadhisteen sanadkaan (2020), dalalka Niger iyo Tunisia.
Inta badan, Midowga Afrika waxuu xulashada xubinta ka yeeshaa wadaxaajood hoose oo albaabbada loo xiray, inta uusan si rasmi ah u shaacin magaca, si dunida loogu muujiyo weji midaysan ee qaarada.
Dowladda Kenya si ay u maldahdo laaluushka, ayay 25 wakiil ku martiggelisay magaaladda Nairobi iyo Mombasa. Dalxiiskaas, waxaa loogu magac daray “Aqoon isweydaarsi ku saabsan isbeddelka argaggixisada iyo xagjirnimada,” waxuuna dhacay intii u dhexeysay 15kii ilaa 21kii February, 2020.
Haddaba, aan isweydiinno maxay Kenya ku faleysaa kursiga aan joogto ahayn, haddana aan manfaciisa tooska ahi aaysan muuqan?
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labadii bilood oo ugu dambeysay keliya, dowladda Kenya ay martiggelisay ugu yaraan 45 wakiil joogta ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, taas oo qayb ka ah tabaha lagu raadinayo kursiga.
Inkastoo falanqeeyayaashu ku kala aragti duwan yihiin, haddana waxyaabaha maangalka ah oo laga yaabo inay xukuumadda Uhuru Kenyatta si xil leh ay ugu raadineyso kursiga ayaa dhici kara inay yihiin:
- Waayahaan dambe waxaa jira baaqyo taageersan in dibuhabeyn lagu sameeyo golaha, si majlisku uu u noqdo mid wada matala beelaha caalamka. Haddaba, haddii taasi dhacdo, waxaa la filayaa in qaaradda Afrika ay heli doonto labo xubin oo joogta ah iyo shan aan joogta ahayn (UN Org. 20/11/2018). Sidaas awgeed, Kenya waxay ku riyooneysaa inay hesho kursi joogta ah, bacdamaa ay ka mid ahayd guddigii Midowga Afrika ee soo darsay ajendahaas.
- Golaha Ammaanka waxuu go’aamada ku gaaraa aqlabiyad, haddana si loo ansixiyo qaraar, golaha waa in laga hormuujiyaa sagaal cod oo waafaqsan qaraaka. Dalka leh awoodda codbixinta “Veto,” ee aan laga daba hadlin wuxuu u baahan yahay dalal taageersan ara’diisa.
Daraasad Jaamacadda Harvard – Dugsiga Ganacsiga uu soo bandhigay ayaa sheegaysa in waddamada soo koraya ee xubnaha ku meel gaarka ah ku leh golaha ammaanka, ay codkooda ku beddeshaan gargaar dheeraad ah oo ay ka helaan waddamada hodanka ah, gaar ahaan Mareykanka; (Global Policy Org – 25/08/2006). Waxaa laga yaabaa in gargaarku uu weliba si lixaad leh u sii kordho, xilliyada dunida ay ka taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed iyo colaaddahaba.
Haddaba, maamulka Uhuru Kenyatta oo dhaqan siyaasadiisu ahayd musuqmaasuq iyo laaluush, waxuu ka xishoon waayay inuu si xil leh ku raadiyo kursigii majliska caalamka!
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com