Allbanaadir.com
NEWS

Dil Argagax leh oo goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Waxaa goordhaw dil dad badan ka argagaxeen uu ka dhacay gudaha Suuqa Weyn ee bakaaraha gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Maacuunta sida ay ku warameen goob joogayaal suuqa ku sugan.

Nin Oday ah oon heebtiisa la aqoonsan ayaa la sheegay in uu isku dhax dilay gudaha suuqa, ninkan ayaana goobjoogayaasha sheegeen in toorey af badan uu watay qoorta isaga gowracay kadibna halkaasi ku dhintay.

Dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in ay aad uga argagaxeen dilka uu suuqa dhaxdiisa isugu geestay ninka odayga ah, waxaana isla goobta ku geeriyooday odayga is gooracay kahor inta aanan loo gurman.

Lama oga wali sababaha rasmiga ah ee keenay in ninkan odayga ah gudaha suuqa Bakaaraha isku dilo, waxa ayna dadka qaar shaki galinayaan caafimaad qabka ninkan maanta is dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar culus oo xalay Ruushka ku qaaday magaalada Kyiv oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Donlad Trump oo ku dhawaaqaya Xaalad Deg deg ah

Cabdi Cade

Maamulka Dekedda Muqdisho oo ka hadlay Markab Sonkor wada oo ku soo xirtay Dekeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---