Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad Miyaa Harsanaya magaalada Beled-Xaawo !!!

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya (XDS) iyo Ciidanka Daraawiishta Boliiska ayaa soo afjaray dagaal aad u adag oo ay la galeen maleeshiyo daacad u ah Wasiirka Amniga Maamul-goboleedka Jubbaland Cabdirashid Xasan Abdinuur, Janan ee baxsadka ah. Dagaalka oo qaatay in ka badan 6 saacadood ayaa ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee soohdinta Kenya.

Madaafiicda iyo qoryaha darandoorriga u dhaca ayay isdhaafsanayeen labada dhinac, kuwaasoo baabbi’iyay hanti badan, isla markaana dadka ku khasbay inay ka cararaan degmada Beled Xaawo. Dhinaca kale, rasaas qaboow ah ayaa shacab ku dhaawacday degmada Mandheera, Kenya. Waxaa sidoo kale dagaalka saamayn uu ku yeeshay ganacsiga iyo isu socodka dadka deggan Beled Xaawo iyo Mandheera.

Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macallimoow), ayaa xaqiijiyay in madaafiic laga soo tuuray dhanka Kenya ay ku soo dhaceen degmada Beled Xaawo ayna ku gubteen 5 guri. Waxaa kaloo uu sheegay in 5 qof oo shacab ah oo ku dhaawacmay dagaalka, kuwaasoo  loo qaaday magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaarad ay u soo dirtay dowladda Soomaaliya, oo xaaladda dadkaas gacanta ku hayso.

Ilo xogogaal ah ayaa xaqiijinaya in mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ku jiro Cabdirashiid Janan, iyo maleeshiyadii ka badbaadday dagaalka ay ku sugan yihiin xero militari oo ay leeyihiin ciidamada Kenya kuna taal meel u jirta 20 Km degmada Mandheera ee gudaha Kenya.

Xildhibaanno iyo gudoomiyaha gobolka Mandheera Mudane Ibraahim Cali Rob​a, oo shir jaraa’id qabtay ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay u oggolaatay ciidamo fallaago ku ah dowladda Soomaaliya saldhig inay ka samaystaan gudaha Kenya, gaar ahaan degmada Mandheera.

Senator Maxamuud Macalin ayaa yiri “Si fiican ayaad u ogtihiin in wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay dawladdu martiggalisay iyada oo taageerada u marinasyo Ciidamada Difaaca Kenya (KDF), halkan [Mandheera] ayuu ka shaqaynayay oo ciidamadiisu ka hoggaaminayey, waana sababtaas tan keentay dagaalka saaka ka qarxay xuduudda ​[Kenya & Soomaaliya] abbaaro saacaddu markay ahayd 11.30 a.m, March 02, 2020.

Xildhibaanka laga soo doortay Bariga Mandheera Mudane Xassan Cumar ayaa isna yiri  “Waa wax laga xumaado in qarniga 21aad, Kenya ay u oggolaan karto ciidamo shisheeye inay ka dhex dagaallamaan gudaheeda. Waa bil hadda muddada ay maliishiyada xulafada la ah waddanka Kenya ka howlgalayaan Bariga Mandheera oo ah xarunta Gobolka. Waa wax laga xumaado in dadka reer Mandheera ay haatan barakacaan, iskuullada la xiro, guryo badana la burburiyo.”

Masuuliyiintan ayaa ka codsaday in dowladda Kenya ku celiso dalkooda [Soomaaliya] dadkan fakadka ah, si ay ammaan u helaan dadka deggan Mandheera, islamarkaasna ammaanka xuduudda kala macaamisho dhiggeeda oo ah Dowladda Federalka Soomaaliya. (Kenyans – March 03, 2020).

Waxaa baraha bulshada ay Soomaalidu ku wada xiriirto si weyn u qabsaday ammaanta, iyo hambalyada ay shacabka u dirayaan ciidamada Soomaaliya, iyagoo si aad ah u soo dhowaynaaya guusha ay ka gaareen howlgallada ay ka fuliyeen Maamul-goboleedka Galmudug iyo gobolka Gedo.

Haddaba maxaa keenay taageerada shacabka u hayaan ciidamada? Maxayse tahay fariinta ay dirayaan?

Shacabka waxay ka daaleen gorgortanka siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn, iyo siyaasadda qabiilaysan oo u adeegaysa danaha shisheeyaha. Waxayna shacabka Soomaaliyeed doonayaan maamul goboleedyo hoostaga xukuumadda dhexe, islamarkaasna u hoggaansanaada Dastuurka Federaalka, kaasoo siinaaya dowladda dhexe awoodda maamul ee kala ah siyaasadda arrimaha dibedda, maaliyada, socdaalka, iyo difaaca dalka.

Balse, su’aasha taagan ayaa ah fariinta ay dirayaan shacabka Soomaaliyeed ma ku dhacaysaa dhegaha siyaasiyiinta inta ay tabarta, iyo talada hayaan, mise sida hoggaamiyaashii Ahlu-Suna ayay odhanayaan “waan tanaasulnay,” markii ay tabar, iyo talo waayaan?

Caalimkii weynaa ee cilmiga falsafada, Dr. Cumar Cismaan Raabi ayaa rumaysan​aa in ummad jiritaankeeda ku xiran yahay hadba siday u dhowraan midnimada dadka, dalka iyo qarannimada. Waxaa kaliya oo lagu ilaalin karaana waa dowlad dhexe inay jirto.

W/Q Saciid Cabdisalaam

Related posts

Isbitalka Guled oo bukaankii u horeeyey u sameeyey qalliinka lagu furo xididada Wadnaha (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Shirkii uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada oo mar kale baaqday

Caydiid Ali

Hanti Dhowrka Qaranka oo Lagu Qasbayo Inay Sameeyaan Baaritaan Ceeb Loogu Raadinayo Khayre !!

admin