Allbanaadir.com
NEWS

Shirkaddo ku yaalla Yurub iyo Maraykanka oo si xirfadeysan looga dhacay Malaayiin Dollar

Kooxo loo badinayo iney yihiin Burcad internet-ka oo luqadda Ruushka ku hadlaysay ayaa looga shakinayaa in ay dheceen $10 milyan oo dollar oo ay ka xadeen shirkado ku yaalla Ruushka, Britain iyo Mareykanka.

Sida lagu sheegay warbixin la soo saaray Burcada lacagta xaday oo adeegsanayay kaarar ayaa qarashka kala baxay meelaha lacagta bangiyada lagala baxo ee ATM-yada,.

Ururka amniga Internet-ka ee Group-IB oo baaritaanka sameeyay wuxuu la shaqeeyay booliska Yurub iyo dowladda Ruushka intii uu socday dabagalka.

Kevin Curran, waa khabiir madaxbannaan oo ka shaqeeya amniga-internetka, wuxuu sheegay in weerarrada ay xilligan aad u sii adkaanayaan.

“Dhinac marka laga eego way dhameystiran yihiin Waxay awoodaan in hannaanka kombiyuutarada dhexgalaan, ka dibna la baxaan dhammaan warqadaha cadeynaya sida bangiyada u shaqeeyaan. Taasi waxay siinaysaa fursad ay ku sameeyaan qaabab been abuur ah oo lacag ay ku helaan” ayuu yiri Kevin Curran.

Sidoo kale, waxay xadeen warqado teknolojiyad oo ay leeyihiin boqolaaloo banki oo ku yaalla Mareykanka iyo Latin Amerika kuwaasoo ay u adeegsan karaan weerarro internet-ka oo ay mustqabalka ku qaadaan bangiyadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yahya Sinwar oo ku dhawaaqay weji cusub oo dagaal ah

Caydiid Ali

Taliye sare iyo askar hor leh oo ciidanka Israel looga dilay dagaalka Gaza

Caydiid Ali

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---