Taliska Itoobiya ayaa doonaya in ciidamada Nabad Ilaalina Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya in ay dalka joogaan sida uu sheegay Afayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Ethiopia.
“Ka Itoobiya ahaan ciidamada Howlgalka AMISOM weey joogayaan Soomaaliya ilaa kooxda Al shabaab si aad ah loo wiiqayo awoodooda, markaas kadib ayeey baxayaan” sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Meles Alem oo ah afayeenka Taliska Itoobiya u qaabilsan Arimaha Dibadda .
Ciidamada kala duwan ee nabad ilaalinta Africa waxaa markii ugu horeysay dalka laga howlgeliyay 2007-dii si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxaana ay dalka ka howlgalayaan in kabadan 10 sano.
Midowga Africa ayaa horay u bilaabay qorshe ciidamada AMISOM loogu yareynayo Soomaaliya taa oo horseedi doonto in gabi ahaanba ay dalka isaga baxaan waxaana Mas’uuliyadda Amaanka dalka la wareegi doono Ciidamada Xoogga Dalka.
Sida uu hadalka u dhigay Males Alem oo ah afayeenka wasaaradda Arimaha Dibadda Itoobiya waxa uu tilmaamay in inta laga ciribtirayo Dagaalyahada Al shabaab in AMISOM ay joogi doonto Soomaaliya waxaana uu xusay in howlgalka AMISOM uu dhamaan doono marka si aad ah looga awood roonaado, sida ay qortay wakalaadda Wararka ee Anadolu.
Bishii june 2016-kii Golaha Nabadda Iyo Amaanka u qaabilsan Midowga Africa ayaa soo saaray go’aan-ka ku aadan in la dhimo ciidamada AMISOM, ugu dambeynna ay ka baxaan Soomaaliya iyadoo amaanka guud lagu wareejinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, inkastoo wali aan la hergelin go’aankaasi.
Bishii December 2017-dii 1,000 askar oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay Soomaaliya iyadoo la eegayo go’aankii Midowga Afrika iyo golaha amniga ee Qaramada Midoobey.
Soomaaliya waxaa ku sugan in kabadan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha ,Jibuuti iyo Sierra Leone waxaana dhamaantood ay hoos imaadaan Holwgalka AMISOM kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com